Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Qalin Jebinta Laba Jaamacadood+Sawirro

0
660

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweyne ku  xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland  ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasibado ay ku qalin jabinayeen Ardayda Jaamacadaha Beder International University (BIU) iyo Frantz Fanon University (FFU) oo lagu qabtay Magaalada Hargaysa.

Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo khudbado kala duwan ka jeediyey munaasibadahaasi ayaa ugu horayntii Hambalyo u diray Ardayda ka qalin-jabisay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadahaasi.

Waxaana uu sheegay inuu la qeybsanaayo dareenka farxada iyo Hambalyada ah ee ay maanta ku jiraan waalidiinta iyo ardaydii ay mudada ku soo tabcayeen.

Sidoo kale-na waxa uu u mahadceliyey Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadaha oo uu ku bogaadiyey kaalinta ay ku leeyihiin aqoonta iyo soo saarista arday ka dhisan dhanka aqoonta.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Ardayda kula dardaarmay in Cilmiga ay barteen ay wax ugu qabtaan Dalkooda iyo dadkooda islamarkaana ku horumariyaan  waddankooda si loo anba qaado geediga aqoonta iyo ilbaxnimada ee hoolka horumarka.

Ugu danbayntiina wuxuu ugu duceeyey ardaydaasi inuu ilaahay ku anfaco cilmigaa ay barteen.

Halkan Ka Daawo Khudbadii Madaxweyne ku Xigeenka Ee Jaamacadda Frantz Fanon:

Geeska kale madaxweyne ku xigeenku waxa uu ka qayb galay qalin jebinta jaamacadda Beder, halkaasoo uu ka jeediyay khudbad ku saabsan qiimaha tacliinta:

Halkan Ka Daawo Hadalkii Madaxweyne ku Xigeenka Ee Jaamacadda Beder:

Daawo Sawirro Dheeraad Ah:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here