Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Hal Arrin Ku Boggaadiyay Shirkadda DP WORLD

0
1266

Berbera (Hargeisa Press) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Madaxweyne ku xigeenka iyo wefdi kala duwan oo heer Wasiirka ah oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta kormeeray qaybo ka mida xarumaha dowladda ee gobolka Saaxil.

Sidoo kale,  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa waxaa uu boggaadiyay una mahad naqay shirkada DP World ee gacanta ku haysa Dekedda caalamiga ah ee Berbera.

Waxaanu ku boggaadiyay sida hawl karnimada leh ee shaqada uga wado dekedda, isagoo sheegay inay sidii ay Somaliland ku heshiiyeen u wado dhismaha dekeda Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here