Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Gaadhay Boorama

0
1026

Boorama (Hargeisa Press) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa gaadhay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Madaxweyna ku xigeenka, ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyay deegaanka Goraya Cawl, waxaana halkaas kaga hortegay maamulka gobolka Awdal iyo ka degmada Borame iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Socdaalka madaxweyne ku xigeenka, ayaa salka ku haya dardargelinta hawlaha doorashooyinka Somaliland, isaga oo ka qayb qaadan doona wacyigelinta doorashooyinka isku sidkan ee la filaayo in ay dhammaadka bishan dalka ka dhacaan.

Madaxweyne ku xigeenka, ayaa shacabka gobolka Awdal kula dardaarmay in ay dadku ka wada qayb qaataan ilaalinta nabadgelyadda iyo la shaqaynta ciidamada amaanka Somaliland.

Waxaana uu sheegay in shirkii golaha wasiirrada Somaliland layskula qaatay in wufuud kala duwan loo kala diro goboladda Somaliland, si looga wada shaqeeyo doorahooyinka isku sidkan ee Wakiiladda iyo Degaanka, waxa uu sidoo kale cadeeyay in uu socdaal ku tegi doono deegaanadda kala duwan ee gobolka Awdal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here