Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Furay Shirweynaha Nafaqada Hooyadda iyo Dhalaanka

0
576

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa manta furay shirweynaha nafaqada hooyadda iyo dhalaanka oo lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa.


Barnaamijkan lagu dersayo nafaqaynta hooyadda iyo dhalaanka ayaa sanadkiiba mar lagu qabtaa Somaliland. Kaasoo noqonaya kii labaad.


Shirweynahan oo ay xubno ka yihiin wasaarradaha Waxbarashadda iyo sayniska, iyo horumarinta Caafimaadka ayaa lagaga dooday sidii kor loogu qaadi lahaa ilaalinta iyo daryeelka heerka nafaqo ee dhalaanka Somaliland.


Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday qaar ka mida hay’adaha caalamiga ah ee ka shqeeya arrimaha hooyadda iyo dhalaanka, xubno ka socday wasaarradaha caafimaadka iyo waxbarashadda.


Madaxweyne ku-xigeenka oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay muhiimadda ay leedahay in laga wada fikiro sidii ilmo kasta oo nafaqo darro ku haysato Somaliland ay masuuliyadi ka saran tahay.


Waxaanu sheegay in ay ka xukuumad ahaan ka shaqaynayaan sidii xeerarka arrintaasi ku xidhan loo ansixin lahaa.

Halkan Ka Daawo Hadalkii C/raxmaan Saylici:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here