Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Furay Kulan Lagu Gorfaynaayo Horumarka Dalka

0
1225
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qayb-galay Daahfurka Dalladda Sahamiye oo uu hirgeliyey Aasaasaha shirkada World-Remit, Ismaaciil Axmed, taas oo u jeedadeedu ahayd sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha hortaagan horumarka Somaliland, loona kobcin lahaa hal-abuurka ganacsi ee bulshada.

Ganacsade Ismaaciil Axmed ayaa balan qaaday inuu u huri doonaa mashaariicda horumarinta ee Somaliland lacag dhan shan milyan oo doollar ($500 milyan) oo ah han-tidiisa iyo maalgashi uu dalka ka fulin-doono tobanka sanno ee soo socda.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo goobtaas hadalo ka jeediyay ayaa u mahadceliyay ganacsadahaas, waxaanuu sheegay in tahay talaabo fiican oo uu dalkisa iyo dadkiisaba waxa ku taray.

LEAVE A REPLY