Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Daah-furay Ololaha Cidhib-tirka Cudurka Dabaysha + SAWIRRO

0
752

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay barnaamujka carruurta lagaga tallaalayo cudurka dabaysha oo dalka oodhan ka bilaabmay.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu dhibicdii ugu horraysay ee daawada tallaalka siiyey Ilmihii ugu horreeyey ee mashruucan  xanuunka dabaysha lagula dagaallamayo oo dalka oo dhan laga hirgelinayo lagu daah-furay, waxana madasha hadallo ka jeediyey xubno isugu jira madaxda hay’adaha UNICEF iyo UNHCR iyo hoggaanka sare ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horrayn agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa si qoto dheer u sharraxay hawsha tallaalka cudurka dabaysha ee ay wasaaraddu hoggaaminayso, waxana uu si gaar ah u ammaanay bahda caafimaadka oo ku tilmaamay naftood-hurayaal u dabran bixinta adeeg caafimaadka oo tayo leh.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi, ayaa isaguna dhinaciisa sharraxay muhiimadda uu tallaalka cudurka dabayshu u leeyahay guud ahaanba bulshada Somaliland iyo ka hortagga cudur kasta oo si fudud ku faafi kara.

Wasiirku waxa uu sheegay in sababta loo qaadayo ololaha tallaalkani ay salka ku hayso sidii loo ilaalin lahaa badqabka guud ahaanba ubadka ku nool Jamhuuriyadda Somaliland, “Si aynnu u hubinno in dhammaan carruurta ku nool Somaliland ay ka badbaadaan Fayraska dabaysha waxannu bilownay olole, ololehaas oo shalay bilaabmay, laakiin maanta waxannu ugu tallo galnay inaannu u muujinno dadweynaha reer Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee arrintan inaga caawiyaba inaynnu arrintaas wax ka qabanno oo muruqeenna, maalkeenna iyo taladeennaba aynnu gelinno,” ayuu yidhi wasiir Cumar Cali Cabdilaahi.

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo madasha lagu daah-furayey ololaha tallaalka cudurka dabaysha hadallo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey, ayaa ololaha ku tilmaamay waajib qaran oo saaran qof kasta oo reer Somaliland ah, waxana uu bulshada ugu baaqay inay bahda caafimaadka gacan ku siiyaan hirgelinta tallaalkan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waa waajib qaran oo dhammaanteen ina saaran inaynnu dhammaanteen carruurteenna kala dagaallanno xanuunka dabaysha, ololahanina waxa uu u taagan yahay inuu Ilmo kasta oo Somaliland ku nooli uu xaqiisa helo oo uu tallaalkaasi gaadho, waxana aan waalidiinta iyo bulshadu guud ahaanba ay hawsha tallaalka ku gacan siiyaan hawl-wadeennada caafimaadka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here