Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland iyo Dhigiisa Dalka Taiwan oo Fariimo Diblumaasiyadeed oo Xiiso Leh Is-dhaafsaday

0
1956
Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweyne ku xigeenka dalka Taiwan ayaa hadallo u muuqda kaftan iyo muujinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya dalkiisa iyo Somaliland waxa uu bartiisa twitter ugu qoray Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici). 

William Lai Ching-te oo ah Madaxweyne ku-xigeenka Taiwan ayaa isaga oo ka jawaabaya hambalyo uu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland bartiisa twitter ka ugu qoray dalka Taiwan oo toddobaadkii hore u dabbaaldegey sannad guuradii 109-aad ee jiritaankiisa, waxa uu ugu horreyn u mahadnaqay mudane Saylici, isaga oo intaas ku sii daray, “Mudane Madaxweyne ku-xigeen Saylici, waa aan kaaga mahadnaqayaa, farriintaada diirran. Waxa aan rejaynayaa in aynu maalin uun dhaqso ah ku kulanno Hargeysa” Madaxweyne ku xigeenka Taiwan ayaa isticmaalay erayo diblumaasiyadeed uu ku muujinayo in xidhiidhka labada dal uu marayo heer saaxiibtinimo oo aad u sarreeya, isaga oo ku soo hal-qabsanaya dhaqanka reer Somaliland ee ah cabbitaanka shaaha caanaha lehna waxa uu yidhi, “Waxa aan rejaynayaa in aynu ku dul sheekaysanno koob shaah caddaysa ah”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland mudane Saylici ayaa isaguna mar kale ku soo noqday farrimaha twitter ka oo u jawaabayo dhiggiisa Taiwan, isaga oo sheegay in ay Sharaf weyn u noqon doonto in ay dhaqso Hargeysa ugu kulmaan, oo uu weliba ku casuumo koob shaah caddaysa ah oo ay guriga ku wada samaystaan. Taas oo ah farriin dadban oo uu mudane Saylici ku cabbirayo illaa heerka uu gaadhsiisan yahay xidhiidhka labada dal iyo labadooda masuulba, taas oo ah in ay ka bixi karaan nidaamka rasmiga ah ee diblumaasiyadda oo si saaxiibtinimo xitaa gurigiisa ugu casuumi doono.

Madaxweyne ku xigeenka Taiwn Lai Ching-te farriinta uu ka jawaabayey, hambalyada sannad guurada curashada Taiwan ka sokow waxa uu mudane Saylici ku sheegay in Somaliland iyo Taiwan uu ka dhexeeyo xidhiidh adagi.

Tan iyo intii ka dambaysay xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland waxaa soo baxaya sida uu marba marka ka dambaysa xidhiidhkaasi u sii adkaanayo, taas oo ka muuqata kaalinta labada dal mid kastaa uu siiyey wakiilka dalka kale iyo xidhiidhada booqasho ee labada dhinac.

LEAVE A REPLY