Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Kulan La Yeeshay Rugta Ganacsiga Somaliland

0
987

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Rugta ganacsiga Somaliland ee magaaladda Hargaysa.

Madaxweyne ku-xigeenka waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay xubno wasiirro ah oo ka tirsan guddiga la tacaalidda xanuunka Coronavirus.

Waxaanay halkaasi kulan kula yeesheen masuuliyiinta Rugta ganacsiga iyo xubno ka mida culimadda dalka.

Shirkaasi ayaa u jeedadiisa lagu sheegay mid lagaga wada tashanayay sidii loo bilaabi lahaa wejiga labaad taakulaynta bulshadda reer Somaliland ee ay saamynta ku yeelatay xakamaynta ka dhalatay caabuqa Covid-19.

Daawo: Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY