Madaxweyne ku-xigeenka oo ka qaybgalay Xaflad loogu fooladeeyey 152 Xubnood oo ka qalinjebiyey Jaamacadda Machadka Shaqaalaha Dawladda + SAWIRRO

0
546

Hargeysa(HargeisaPress)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylici oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Wasiirka Wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada iyo masuuliyiin kale Salaasada maanta Magaalada Hargeysa kaga qaybgalay munaasibad lagu sagootiyey 152 Shaqaale ah oo Machad-ka tababarka Shaqaalaha Dawladda ka dhamaystay waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda, kuwaasoo ka aflaxay afar kuliyaddood oo kala ah Maamulka iyo maareynta Dawliga, Maamulka Dhulka, Maamulka Xisaabaadka iyo Dhaqaalaha, isla markaana ah dufcadii 10aad ee shaqaalaha laamaha dawladda ee waxbarasho ka dhamaysta machadkan.

Munaasibada qalin-jebinta Ardayda oo ay sidoo kale ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, xubno kamida masuuliyiintii hore ee Hay’adda shaqaalaha iyo Machadka tababarka shaqaalaha Dawladda, madax ka socota Jaamacadda Magaalada Jigjiga ee caasimada Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, waalidiin, Ardayda waxbarashada dhamaysay iyo marti-sharaf kale, isla markaana ay ku lamaanayd tacsida mid kamida shaqaalaha loo sameeyey oo geeriyooday saacado ka hor u fooladaynta qalin-jebinta, ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Agaasimaha fulinta Machad-ka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Cumar Iid Qaloombi, kaasoo faahfaahin dheer ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Machad-kani soo maray iyo halka uu xilligan marayo.

waxa uu sheegay in la aasaasay iyadoo ay shaqaalaha dawladdu aad u kooban yihiin, oo ay ilaa shan kun aanay ka badnayn, xilligana uu gaadhay wakhtigii baaxadiisa lagu sar-goyn lahaa baahida waxbarasho ee shaqaalaha Dawladda oo ay tiradoodu kor u dhaaftay 21000 qof. “Kumanaan Arday oo shaqaale dawladdeed ah ayaa ka dhamaystay waxbarashada heerarkeeda kala duwan intii machad-ku jiray. shan kamida Ardaydaasi waxa ay ku guulaysteen deeqaha waxbarasho ee caalamiga ah” ayuu yidhi

Cumar Iid Qaloombi waxa uu tilmaamay in machad-ku u baahan yahay in la balaadhiyo, dhisme ahaan iyo heerarka waxbarashada uu siiyo shaqaalaha, isagoo halkaasi ku soo bandhigay qorsheyaal muhiima oo ay maamul ahaan doonayaan inay kaga qayb-qaataan horumarinta Machad-ka “Machad-ku wuxuu bixiyaa waxbarashada heer jaamacaddeed ee koowaad iyo heerka labaad, waxa kale oo uu tababaro gaagaaban uu siiyaa shaqaalaha dawladda. sanadka 2021 waxa dhamaystay qaybaha waxbarashada Machadka 491 Arday”ayuu raaciyey

Agaasimaha Machad-ka Shaqaalaha Dawladdu isagoo hadalka sii wata waxa uu sheegay in machad-ku baahi weyn u qabo in la balaadhiyo dhismihiisa iyo kaabeyaashiisa kale “Maadaama shaqaalaha Dawladdu afar laabmeen muddadii uu jiray Machadku in la baadhiyo dhismihiisa iyo kaabeyaashiisa kaleba waa baahi gaar ah oo mudane madaxweyne taalla si loo balaadhiyo tababaradii iyo waxbarashada shaqaale weynaha Dawladda Somaliland.

Sidoo kalena iyadoo ay macalimiintii ugu wanaagsanayd dalku joogaan Machadka oo ay wax ka dhigaan, haddana naguma filna macalimiinta iyo khubarradu oo waxaanu u baahan in aanu kordhino si kor loogu qaado tayada iyo heerka Machad-ka.

Waxa kale oo qorshaha noogu jira in aanu soo kordhino sanadkan kulliyadda barashada shuruucda dawliga ah oo aanu ugu talogalnay xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada iyo cidii kale ee ka faa’idaysanaysaba”ayuu raaciyey hadalkiisa Agaasime Cumar oo khudbadiisa ku soo bandhigay arrimo kala duwan oo la xidhiidha higsiga iyo himilooyinka Machadkaasi.

Geesta kale waxa uu tacsi u diray Arday kamid ahaa xubnaha qalinjebinayey oo mowtal-qafle ku geeriyooday maalintii Isniinta oo ku beegnayd ka hor xafladaasi.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax oo halkaasi ka hadlay ayaa ka markhaati kacay kaalinta uu machad-ku ugu jiro horumarka iyo tayeynta adeegyada iyo shaqada Xafiisyada Dawladda “Aqoonta Shaqaaluhu ka bartaan Machad-kan waxa uu ka muuqdaa horumarka Hay’addaha, wasaaradda iyo xafiisyada Dawladda”ayuu yidhi.

Guddoomiyihii hore ee Hay’adda Shaqaalaha xilligii la aasaasay Machad-ka Cabdiraxmaan Cadami iyo Komishaneer Ubax Maxamed Maxamuud oo kamida guddida Tamarta ee Qaranka, kana mid ahayd Ardaydii hore waxbarashada ugu qaatay machad-kan oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn u hambalyeeyey horumarka uu ku socdo machadka Shaqaalaha Dawladdu, waxaanay ku booriyeen in halkaasi laga sii wado. Guddoomiye Cadami ayaa ka sheekeeyey duruufihii ku gedaamnaa Shaqaalaha Dawladda markii la aasaasay Machad-ka.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Siciid Mire Faarax (Giire) iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimha bulshada iyo Qoyska Musfate Maxamuud Cali Bile, ayaa dhankooda hambaleeyey Ardayda waxbarashada dhamaystay, sidoo kalena tacsi u diray marxuumka kamidka ahaa ee geeriyooday oo ay alle uga baryeen inuu Janadda ka waraabiyo.

Masuuliyiinta ayaa sheegay inay si hufan ula shaqayn doonaan Machadka tababarka Shaqaalaha Dawladda, waxaanay ku booriyeen inay sii laba jibaaraan dedaalka horumarinta aqoonta shaqaalaha Dawladda.

Madaxweyne ku-xigeenka Jaamacadda Jigjiga ee qaybta Akaadamiga Cabdira’uuf Axmed oo munaasibada hadal ka jeediyey, ayaa tilmaamay inay sii balaadhinayaan wada shaqaynta ka dhaxaysa jamacaddooda iyo Machad-ka, isagoo hambalyeeyey Ardayda xaflada loo sameeyey, xusayna inuu machadka Tababarka shaqaalaha Somaliland guulo wax ku ool ah gaadhay intii uu jiray, jamaacaddoodana xidhiidh weyni ka dhexeeyo.

Cabdira’uuf Axmed Madaxweyne ku-xigeenka Jaamacadda Jigjiga waxa kale oo uu balanqaaday inay kordhinayaan deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan Machad-ka shaqaalaha Dawladda “anigoo ku hadlaya afka Maamulka Jaamacadda Jigjiga waxa aanu ku faraxsanahay xidhiidhka tooska ah ee aanu leenahay Machadkan, waxa aan balanqaadayaa in aanu sanadkan siin doono 30 Arday oo deeq waxbarasho oo heerka labaad ah, waanan sii wadaynaa iskaashiga naga dhexeeya”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Jaamacadda Jigjiga.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagabadii munaasibada hadal ka jeediyey, ayaa ugu horayn u hambalyeeyey Shaqaalaha dhamaystay waxbarashada jaamacaddeed, kana tacsiyadeeyey marxuumka ka tirsanaa ee geeriyooday oo uu alle uga baryey inuu janadda ka waraabiyo.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sharaxaad ka bixiyey dedaalka ay dawladdu gelisay horumarinta Machad-ka Tababarka shaqaalaha, waxaanu ku dheeraaday sidii lagu aasaasay iyo marxaladii ay Xukuumaddu kula wareegtay markii ay Hay’adda UNDP joojisay taageeradii ay siin jirtay.

Waxaanu yidhi “Machad-ka waxa markii hore taageeri jirtay oo aynu uga mahad naqaynaa hay’adda UNDP, sanadkii 2015-kii ayey inagu wareejisay, ilaa markii aynu hawshiisa la wareegnay iyo iminka waxa uu ku socdaa ee waxaasoo waxbarasho ah lagu hirgeliyey waa cashuurtii shacabka laga qaadayey”

Md. Cabdiraxmaan Saylici Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, waxa uu Ardayda waxbarashada dhamaystay kula dardaarmay inay sii wadaan geediga waxbarashada jaamacaddeed, waxaanu geesta kale uga mahad-celiyey Dawladda Itoobiya deeqaha waxbarasho ee ay siiso Somaliland, gaar ahaan Shaqaalaha Dawladda.

Xafladan loo sameeyey dufcadii 10aad ee Shaqaalaha Dawladda oo soo afmeeray waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda, ayaa dhamaan dadkii ka hadlay, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u direen Marxuun Mujaahid Maxamuud Cabdilaahi Nuux ( bidhiidh) oo ka mid ahaa ardayda ka qalinjabinaysay Mac’adka Shaqaalaha Dawladda shalay(CSI) khaasatan Kulliyada Urban Management, kaasoo xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Marxuumka ayaa madax qaybeed ka ahaa Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Somaliland.

Ugu dambeyn Madaxweyne ku-xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa madashaasi bilado ku guddoonsiiyey Ardaydii u saraysay Kulliyadaha kala duwan ee ay shaqaalahani dhamaysteen, isagoo sidoo kale shahaado-sharafyo uu machadku bixiyey guddoonsiiyey Masuuliyiinta ka socday Jaamacadda Jig-jiga, Aasaasihii Machadka Prof. Maxamed Mixile Boqore oo isla markaana xafladaasi si weyn looga xusay.

LEAVE A REPLY