Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Lagu Xusayay Dhalashadii Nebi Muxamed SCW

0
631

Hargaysa (Hargeisa Press): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa ka qayb galay munaasibad lagu xusayay xuska dhalashadii Nebi Muxamed NNKH oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Munaasibadaasi oo lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa waxa kaloo ka soo qayb galay guddoomiye ku-xigeenka golaha Wakiiladda Somaliland, masuuliyiin, culimaw-diin, iyo marti sharaf kale.

Waxaana xafladaasi laga jeediyay khudbado la xidhiidha xuska dhalashaddii Nebi Muxamed SCW iyo muhiimadda ay leedahay in dhalinyaradda la baro taariikhdiisii.

Sidoo kale waxaa xafladaasi hadal ka jeediyay guddoomiye ku-xigeenka golaha Wakiiladda Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, iyadoo uu soo xidhay madaxweyne ku-xigeenku.

Halkan Ka Daawo Hadaladii Xuskaasi Laga Jeediyay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY