Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Dhagax Dhigay Ballaadhin Lagu Samaynayo Madbacadda Qaranka

0
655

Hargaysa (Hargeisa Press): Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta dhagax-dhigay dhismeyaal casri ah oo lagu soo kordhinayo xarunta Madbacadda qaranka ee caasimadda Hargaysa.

Munaasibadda lagu dhagax-dhigayo dhismeyaasha cusub ee lagu kordhinayo xarunta guud ee madbacadda qaranka Hargeysa, ayaa waxa madaxweyne-ku-xigeenka kala qaybgalay qaar kamid ah maareeyayaasha hay’adaha madaxa Bannaan, guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex.

Maayarka caasimadda, maareeyaha madbacadda qaranka, Mudane Maxamuud Raage Ibraahim, shaqaalaha madbacadda qaranka, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale.

Waxaana madasha laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo horumarka madbacadda iyo ahmiyadda gaar ahaaneed ee ay xukuumaddu siinayso.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa dhagax-dhigga ka hor hoosta ka xarriiqay inay xukuumadda ka go’an tahay ballaadhinta iyo casriyeynta badbacaddu, isagoona caddeeyey inay xukuumaddu u hagar baxday madbacadda qaranka.

Waxaanu madaxweyne-ku-xigeenku dhagax-dhigay dhisme laba dabaq ah oo si casri ah loo dhisi doono oo ay yeelan doono madbacadda qaranku, waxana uu dhismahaas wax weyn ka tari doonaa baahiyihii xagga xafiisyada ahayd ee ay madbacaddu qabtay.

Maareeyaha madbacadda qaranka Maxamuud Raage Ibraahim, oo isna madasha dhagax-dhigga ka hadlay, ayaa ku dheeraaday horumarka ay madbacaddu samaysay iyo hiigsiga heer qaran gaadhsiisan.

Iyadoo la doonayo in ay noqoto madbacad daboosha dhammaanba baahiyaha ka jira Somaliland, isla markaana lagu daabaco nooc kasta oo daabacaad ah.

Geesta kale xubno isugu jiray maareeyayaal hay’ado madax bannaan iyo saraakiil sarsare oo madasha ku sugnaa oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyay horumarka ay madbacaddu ku tallaabsatay iyo ahmiyadda ay xukuumaddu siinayso sidii maalgelin iyo horumarin loo siin lahaa madbacadda qaranka.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here