Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Daah-furay Qorshaha 5 Sanno Ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

0
593

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta daah-furay qorshaha hawl-qabadka shanta Sannadood ee hay’adda shaqaalaha dawladda.

Munaasibadii daah-furka qorshaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland oo lagu qabtay hoolka shirarka hay’adda shaqaalaha dawladda ee magaaladda Hargaysa.

Waxaana ka soo qayb galay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe, guddoomiyaha machadka shaqaalaha dawladda iyo ku xigeenkiisa.

Wasiirro, agaasimeyaal guud, saraakiil ka socday hay’adaha caalamiga ah ee dawladda Somaliland ka taageera arrimaha horumarinta shaqaalaha dawladda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hadal ka jeediyay xafladda daah-furka yoolka shaqaalaha dawladda ayaa sheegay in ay muhiim tahay in qaranku uu yeesho yool la hiigsanayo oo horumarinta shaqadda iyo shaqaalaha ah.

Halkan Ka Daawo Khudbadii Saylici:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here