Hargeysa,(HargeisaPress)– Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo safar shaqo ku jooga Magaalada Berebera ayaa kullan la yeeshay Guddida Nabad-gelyada Gobolka Saaxil, kuwaasi oo uga xog-warramay xaaladda guud ee Gobolka dhan walba.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa kulankaasi waxa ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda. Kulankan ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray sidii loo adkayn lahaa xaaladda Amniga Gobolka, maddaama ay inagu soo wajahan-tahay Munaasibadda Xuska Maalinta Qaranka ee 18 May.
Ugu horrayntii xubnaha guddida nabad-gelyadda Gobolka Saaxil oo hadalka u kala dambeeyey ayaa si hufan war-bixino uga siiyey xaaladda amaan ee Gobolka iyo qorshayaasha lagu sugayo amaanka iyo arrimo kale oo mihiim ah. Masuuliyiinta Gobolku waxa ay Madaxweyne ku-xigeenka JSL si mug leh ugaga mahad naqeen booqashada iyo kulanka xog-warranka ah.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL oo ugu dambeyntii kulankaasi ka hadlay ayaa Guddida Nabad-gelyada Gobolka Saaxil uga mahad naqay dedaalka ay waddaan ee xoojinta amaanka iyo sida hagar la’aanta ee ay ugu addeegayaan Qarankooda, waxana uu ku booriyey in ay sii laban laaban shaqada ay u hayaan bulshadooda.
Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda cusub ay mar kasta mud-naanta siinayso Nabad-gelyadda, isla markaana ay ku hawlan tahay ka shaqaynta horrumarinta dalka, dadka iyo wadajirkooda. Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu xusay in Xukuumaddu ay mar kasta diyaar u tahay in ay dheggaysato bulshadeeda qiima leh.
Ugu dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa sheegay in ay ka go’antay in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee JSL ay fuliso ballan-qaad-yaddii ay u samayay xilligii ololaha bulshada Gobolka Saaxil iyo guud ahaan-ba shacabka reer Somaliland, waxana uu yidhi:
”Waxa aannu an diyaar u nahay in aan wax ka dhabayni ballan-qaadyadii Xukuumadda ee ku aadanaa Gobolka Saaxi, taasoo ay ugu horrayso wax ka qabashada cabashada Korontada Berbera.”
ALLAA MAHAD LEH,
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland