Madaxweyne Ku xigeenka JSL oo Daahfuray Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

0
691

Hargeysa,(HargeisaPress)- Madaxweyne ku xigeenka JSL md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa ka qayb galay munaasibad ay Gudida doorashooyinka qaranku ku furayeen Diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Xafladda waxa kasoo qayb galay Guddoomiyaha gudida doorashooyinka, Masuuliyiinta saddexda Xisbi qaran Safiirka midawga Yurub urarada bulshada iyo madax kale.

Cabdirashiid Riyo-raac guddoomiyaha gudida doorashooyinka qaranka ayaa ugu horayn halkaa ka hadlay waxanu sheegay in diiwaan gelinta xilligeedii la bilaabi doono, Waxaanu xusay in Diiwaangelintan ay ka faa’iidaysan doonaan dadkii aan hore u qaadan Kaadhka Codbixinta.

Waxa uu Gudoomiyaha Guddida doorashooyinku intaas ku daray inay Jadwal Mudaysan u sameeyeen diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo bilaabmi doonta 29 Bishan.

Madaxweyne ku xigeenka JSL md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa guddida doorashooyinka ku bogaadiyay furitaanka diwaan gelinta codbixiyeyaasha oo muhiimad balaadhan u leh Shacabka Somaliland Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku ku booriyey Guud ahaan Shacabka Somaliland inay qaataan Kaadhka Codbixinta si ay ugu codeeyaan Doorashooyinka inagu soo Foolka leh.

LEAVE A REPLY