Madaxweyne Farmaajo oo labo bilood kadib magacaabay raysal wasaare

0
1535

Mugdisho —Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay raysal wasaare kadib muddo ku dhow labo billood oo dowlada federalka ku shaqeynaysay xukuumad kumeel gaadh ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilkaan u magacaabay  Maxamed Xuseen Rooble isaga oo ku soo xushay aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaran.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Raiisul Wasaare Rooble In uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geliso doorasho , dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo musuqmaasuqa.

Magacaabiddan ayaa kusoo beegantay saacaddo kadib markii Muqdisho lagusoo gabagabeeyay shirkii arimaha doorashada, iyadoo loo maleynayo in magacaabiddiisu qeyb ka ahayd heshiiska Muqdisho lagu gaaray.

Raysal Wasaaraha ayaa la magacaabay waqti kala guur siyaasadeed ah oo uu dalku isku diyaarinayo doorashooyin.

Hargeisa Press News Desk — Muqdisho 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here