Madaxweyne Farmaajo Oo Hambalyo U Diray Shacabka Munaasibadda Ciidul-Adxaa Awgeed

0
404

Muqdisho (HP): Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa dhanbaal hanbalyo u diray guud ahaanba ummada islaamka ah gaar ahaana shacabka Soomaaliyeed.

Waxaanu ALLE SWT uga baryay inuu Ciidda ciideedda ku gaadhsiiyo barwaaqo, bashbash, nabad qab, caafimaad iyo guul uu gaadho qaranka Soomaaliyeed.

Dhanbaalkaasi hanbalyadda ah ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka ee u dabbaal-degaya farxadda Ciiddan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay fadliga ay leeyihiin maalmahan barakaysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna ku bogaadiyey dadka Soomaaliyeed in ay is kaalmeeyaan, kana shaqeeyaan danta guud oo amnigu uu ugu horreeyo”.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ku booriyay dadka Soomaaliyeed ee Xujayda ah ee qorshaynayey sannadkan in ay gutaan rukniga xajka ay beddelkiisa ku dadaalaan bixinta sadaqada iyo kaalmaynta dadka danyarta ah.

“Waxaan ku boorrinayaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee qorshaynayey sannadkan in ay gutaan rukniga xajka ay beddelkiisa ku dadaalaan bixinta sadaqada iyo kaalmaynta dadka danyarta ah oo iyaduba ka mid ah acmaasha ugu wanaagsan ee Rabbi loogu dhawaado.”

Geesta kale, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa farriin iyo hambalyo gaar ah u diray Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay in ay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo isku duubni, isagoona ku dhiirri-geliyey dib u dhiska dalka, xoojinta dowladnimada iyo la dagaallanka cadawga u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here