Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay Maalinta Qaran ee Iskaalmaysiga Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo noqon doonta 10-ka bisha May, taasi oo la xusi doono sannad kasta.
Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeediyey munaasibadda ayaa waxaa uu sheegay in Maalinta Iskaalmaysiga shacabka ay noqon doonto maalin u gaar ah kor u qaadista iyo xoojinta barnaamijyada iskaalmaysiga ummadeena.
“Maalinta Iskaalmaysiga Shacabku waa maalin u gaar noqon doonta kor u qaadista iyo xoojinta barnaamijyada iskaalmaysiga ummadeena, isu naxariisashada, caawinta dadkeena baahan, iyo isu wacyi-gelinta qiimaha ay leeyahay Iskaalmaysigu.” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in maalintani ay noqon doonto maalin bulshada Somaliland lagu dhiirrigelinayo bixinta sadaqadda, sakada, iyo in la helo ilo dadka saboolka ah kaalmo loogu raadin karo. Si dibadeed aynu Qaran ahaan u gudanno waajibka innaga saaran caawimada dadkeenna baahan iyo xoojinta cadaaladda bulsho.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa uu ka hadlayay sababta munaasibaddan loogu qabtay Xarunta Agoomaha iyo Daryeelka Carruurta.
“Sannadkan waxa aan doorannay in Xarunta Agoontu ay noqoto halka aan barnaamijkan kaga dhawaaqayo, si ay inoo xasuusiso xilka dhammaanteen innaga saaran daryeelka iyo ka warhaynta agoonta, iyo in aan taageero la taaban karo oo joogto ah aynnu siinno dadkeenna baahan.” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, isla munaasibaddan khayriga ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku dhawaaqay aasaaska Sanduuqa Qaranka ee Daryeelka Agoonta Xukuumaddu ay ku shubayso lacag dhan $100,000.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in uu ka Madaxweyne ahaan dammaanad qaadayo Waxbarashada, Caafimaadka, Nolosha iyo Shaqada ubadka yaryar ee lagu xannaaneeyo Xarumaha Agoomaha iyo Daryeelka Qaranka.