Madaxweyne Cirro: “Cid kasta oo Xukuumadda dhaliisha anagu uma jawaabeyno…”

0
1112

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta  xadhiga ka jaray Masjidka weyn ee 𝐑𝐮𝐬𝐡𝐞𝐞𝐲𝐞 ee magaalada Hargeysa, kaasi oo uu muddo saddex sanno ah uu ku socday dhisme casri ah.

Madaxweynuhu waxa uu u mahad naqay cid kasta oo gacan ka geysatay (xoolo, xoog iyo xikmadba) dhismaha iyo dhammaystirka Masaajidka Nuural Hudaa.

Waxaa uu Madaxweynuhu sheegay in Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay mudnaan gaar ah siinayso quwaynta Diinteenna Suuban, Nabad ku wada noolaanshaha bulwadaji Somaliland iyo wadajirka ummadda.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waxaa uu sheegay in cid kasta oo Xukuumadda dhaliisha aanu u jawaabayn, islamarkaana ay mudnaanta koowaad ee Xukuumaddu tahay in ay dalka nabadeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here