DDS Itoobiya Oo Ciidamo U Dirray Dagaalka Gobolka Tigrey

0
435

Jig-jiga (HP): Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamuud Cagjar, ayaa cadeeyay in ay ciidamo ka qayb qaata dagaalka ka socda gobolka Tigrey ay u direen.

Waxaanu sheegay madaxweynuhu in tegi taanka ciidamadaasi ay la xidhiidho ka jawaabidda baaqii raysal wasaaradaha Itoobiya ee ahaa in dawlad deegaamadu ay ciidamo u soo diraan deegaanka Tigrey.

Tallaabadaasi ayuu raysal wasaare Aby, ku tilmaamay mid dalka Itoobiya lagaga difaacayo kooxda TPLF oo uu muddo 8 bilood ah dagaal kala dhexeeyo dawladda dhexe ee Itoobiya.

Madaxweyne Cagjar, waxa uu sheegay in maadaama oo dirista ciidamadda ee dagaalkaasi ay ka qayb qaadanayaan dhamaanba deegaamadda dalku, isla markaana deegaanka Soomaalidu uu qayb ka yahay.

Mustafe Cagjar, oo u waramay BBC oo wax laga waydiiyay arrinta la xidhiidha aragti ay qabaan dadka Soomaalida Itoobiya oo ah in dagaalka hadda socdaa uu yahay mid ka dhexeeya qawmiaydaha Axmaarrada iyo Tigrey.

Sidaas darteedna ay jiraan dad Soomaalida Itoobita ka tirsan oo diidan in ciidamo loo dirro dagaalkaasi, ayaa dadka aragtidaasi qaba ku tilmaamay in ay yihiin laba kooxood.

Kuwaasoo koox ka mid ah ay tahay kooxaha Soomaalida ee TPLF taageera, kuwaasoo arrinta dagaalka ka dhiga inuu yahay mid u dhaxaysa Tigrey iyo Axmaarrada.

 

DHEGAYSO: Waraysiga Madaxweyne Cagjar:

 

https://youtu.be/C01FQlC6cVQ

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY