Madaxweyne Biixi oo Xil Ka Qaadis iyo Magacaabid Sameeyay

0
1684
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto Madaxweyne oo uu goordhawayd soo saaray waxaa uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sanaag.

Wareegtada madaxweynuhu soo saaray, ayaa waxaa ay u dhignayd Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Maxamed Khaliif Nuur;

Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sanaag

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka.

Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad u shaqaysay Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Jaamac Maxamuud Warsame laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here