Madaxweyne Biixi oo U Hanjabay Salaadiintii Ka Hadashay Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya

0
2698

Hargeisa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga hadlay Madax-dhaqameed ka hadlayey arrimaha wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana dalbanayey inay ka qeyb noqdaan wada-hadaladaasi.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ay shaqadooda aheyn arrimaha siyaasada oo ay kamid yihiin arrimaha ay ka hadleen ee wada-hadalada Somaliland iyo Dowladda federaalka.

Waxaa uu Madaxweyne Biixi ka dhawaajiyey in Odayaasha dhaqanka looga baahan yahay inay gutaan kaalintoodi dhaqan, isla markaana ay ka sugayaan ka xukuumad ahaan dhaqankii wanaagsanaa ee looga bartay Salaadiinta dhaqanka.

Madaxweynaha ayaa si adag ugu hanjabay Salaadiinta ku eekaan waaya waajibaadkooda dhaqan ee faraha la gala arrimaha siyaasada, iyagoona qaadi doona mas’uuliyada wixii uga yimaada arrintaasi.

“Waxaanu ka sugaynaa Suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xil-saartay oo haddii uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaar garoobo” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here