Madaxweyne Biixi Oo Tacsi Udiray Shacbiga Iyo Eheladii Uu ka Baxay Marxuum Caaqil Axmed Cabdilaahi Xareed (Weerar) Oo Caawa Ku Geeriyooday Gabiley.

0
965
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi PHOTO FILE

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum oday Axmed Cabdilaahi Xareed (Weerar)  oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 25/07/2019, magaalada Gabiley.

CAAQIL AXMED CABDILAHI XAREED (WEERAR) OO CAAWA KU GEERIYODAY G.GABILAY

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay dedaaladii loo soo galay nabadaynta iyo dib u dhiska dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 ALLAA MAHAD LEH 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here