Madaxweyne Biixi oo Sheegya Inuu Somaliland Uga Faa’iidayn Doono Marinka Istaraatiijiga Ah Ee Ay Ku Taalo

0
1020
Madaxweyne Biixi

Hargeisa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inuu doonayo in Somaliland ay noqoto xarun adeegyo siisa dalalka Geeska Afrika iyo guud ahaan Afrika.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in Somaliland ay ka faa’iidanayso marinka istaraatajiga ah ee ay ku taalo oo ah meesha ay isaga gooshaan maraakiibta kala duwan ee caalamku.

“Horta Somaliland waxay ku taala meel dhaqaale ahaan adduunka  istaraataji ah, markaas waxaanu doonaynaa badaas cas ee caalamku inta ugu badan isaga goosho ee uu maro, inaanu qaybta u weyn ee halkaas maraysa u shaqayno, maraakiibta badda maraysa ee baayac mushtarka ah ee dalxiiska ah ee ciidanka ah waxay naga doonayaan  ee ay u baahanyihiin ee adeeg ah inaanu u qabano anaguna aanu faa’iido ka helno.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo u waramay Somaliland Now, waxaanu intaas raaciyay “Somaliland waxay haysaa nabad. Qof baqanayaa ma wax ayuu kula qaban, waxaanu ogolnahay inaanu samayno bee’ad uu baayac mushtarkiisu ku socon karo haddii uu maalgeliyo uu xoolihiisa la bixi karo, imika garoonka Berbera aya dhammaaday wuxuu noqonayaa caalami waa 4km tas-hiilaadka ugu weyn ee Geeska Afrika weeye, waxaanu  u samaynaa tas-hiilaad;  dhaqaale ahaan sharciyda cashuuro caqabadaha oo dhan inaanu khafiifino.”

Ugu dambayn wuxuu Madaxweyne Biixi yidhi “Markas inaanu biriishkaas noqono, oonu u weel tolano oo aanu noqono hab ayaanu u diyaar garoobaynaa, dadkayaga maskaxdoodiina taas ayay diyaar u tahay.”

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY