Madaxweyne Biixi oo Qoonsaday Taageerada Dhaqaale Ee Ay Beesha Caalamku Siiso Somaliland

0
2764
Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa fariin u diray shacabka Somaliland, isagoo ugu baaqay in ay ka dheeraadaan waxkasta oo tafaraaruq ku keenaya midnimadooda oo ay qabyaaladdu ugu horrayso.

Madaxweyne Biixi oo Salaaddii Ciidda kadib khudbad kooban jeediyay, ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay isku duubnaadaan, isku tashadaan, hoosna u eegaan kuwooda itaalka daran.

Madaxweyne Biixi, ayaa khudbaddiisa ku muujiyay sida aanay Somaliland ahaan ku Qanacsanayn inay gacmaha hoorsadaan Beesha caalamka isla-markaana ay daciifnimo u arkaan in la caawiyo, maaddaama oo ay isku filaansho gaadhi karaan haddii la isku tashado, waxaanu Shacabka ku waaniyey in laga maarmo caawimo ka timaadda cid kale.

Hadalka Madaxweyne Biixi, ayaa waxaa uu imanaya xilli aan la xallin oo aan xal laga gaadhin khilaaf soo kala dhex galay Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Khilaafkaasi, ayaana yimid ka dib markii Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu Mashaariicda uu Somaliland ka fulin doono deegaannada Somaliland ku saleeyay qorshaha horumarinta 4-ta sanadood oo Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaarisay.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY