Madaxweyne Biixi oo Qaabiley Mujaahid Axmed Mire (SAWIRRO)

0
2168

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga madaxtooyadda ku qaabilay Axmed Mire Maxamed, oo ka mid ahaa udub-dhaxaadkii Ururkii SNM.

Kulanka ayaa waxa madaxweyne Muuse Biixi ku wehelinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Boos Mirre Maxamed.

Mujaahid Axmed Mire Maxamed ayaa ka mid ahaa saraakiishii hogaaminayay faracii ururka SNM ee galay magaalada Burco 27 bishii May 1988-kii.

Axmed Mire ayaa sanado badan dalka dibadiisa ku noolaa kadib markii dalka laga xoreeyay ciidamadii Siyaad Bare.

LEAVE A REPLY