Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Madaxda Machadka The BRENTHURST FOUNDATION

0
454

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta madaxtooyada ku qaabilay madaxda Machadka The BRENTHURTS FOUNDATION oo shalay shir heer caalami ah oo amniga ku saabsan Hargaysa ku qabatay.
Waxa kaloo kulankaasi goob joog ka ahaa siyaasiyiin iyo hal-door kale oo caalami ah oo ka soo qayb galay shir uu machadku maalintii shalay ka furay caasimadda Somaliland ee Hargaysa.


Madaxweynaha, ayaa hoggaanka Machadka The BRENTHURTS Foundation uga mahad naqay sida ay ugu dhiirradeen inay Somaliland u doortaan inay noqoto dalkii ugu horreeyey Geeska Afrika ee ay shirkan caalamiga ah ee lagaga hadlo arrimaha Afrika ku qabtaan.
Isagoo xubnaha caalamiga ah ee daafaha adduunka isaga yimi ee shirka qaybta ka ahaana uga mahadnaqay kasoo qaybgalkooda.
Waxaanu madaxweynuhu ku dheeraaday horumarka ku dhisan iskaashiga iyo wada jirka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumadihii kala danbeeyey ay ku tallaabsadeen ee sababay in maanta caalamku u tartamo Somaliland, haday tahay maalgashi iyo shirarba sidii ay wax ula qaybsan lahaayeen.


Dhinacooda, madaxda Machadka BRENTHURST FOUNDATION, ayaa ka markhaati kacay horumarka iyo dawladnimada ka hanaqaadday Jamhuuriyadda Somaliland.
Taasoo ay ku sheegeen inay sabab u tahay inay shirkooda u doortaan Sannadkan Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Waxaanu intaas raaciyay inay Somaliland ku arkeen waxyaabo badan oo soo jiitay oo ay ugu horayso nabadgelyada iyo isku tiirsanaanta guud.
Machadka The BRENTHURTS Foundation, ayaa shalay caasimadda Hargaysa ku qabtay shir caalami ah oo ay kasoo qaybgaleen aqoonyahanno, cilmi-baadheyaal, siyaasiyiin, warbaahin caalamiya iyo hal-door kale oo ka socda in ka badan 17 waddan oo adduunka ah.


Waxaana lagaga dooday shirkaasi intii uu socday arrimo la xidhiidha Amniga, dawlad-dhiska iyo dhaqaalaha Afrika.
Geesta kale, waxaa madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayay madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Gashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Cateeye, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah Cabdinaasir Cumar Jaamac ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibada.
Agaasimaha Guud ee Arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Ducaale, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibada iyo Siyaasi Baashe Cawil Cumar.

DAAWO: Su’aalihii ay madaxweyne Biixi waydiiyeen madaxda Machadka The BRENTHURST Foundation:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here