Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Arday Kaalmaha Hore Ka Galay Tartan Qur’aan Oo Lagu Qabtay Jabuuti+Sawirro

0
796

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex Arday oo reer Somaliland ah oo kaalmaha sare ka galay tartan Qur’aanka kariimka ah oo lagu dalka Jabuuti.

Saddexdan Arday oo magacyadoodda la yidhaahdo Bashiir Cabdilaahi Maxamed, oo la tartamay kow iyo toban (11) Arday oo ka kala socday dalal Carab iyo Afrikaan isugu jiray.

Isago kaalinta koowaad u soo galay iyo Cabdiwaasac Maxamuud Cabdisalaan iyo Cabdilaahi Cabdifataax Macallin Shukri oo iyaga-na kaalmo wanaagsan ka soo galay tartankan.

Waxaanu madaxweynuhu si gaar ah ugu qaabilay xafiiskiisa, isagoona ku bogaadiyey guusha ballaadhan ee ay soo hooyeen iyo dedaalka ay sameeyeen iyaga oo da’ ahaan aad u yaryar.

Madaxweynuhu waxa uu saddexda Arday kula dardaarmay inay dedaalkooda sii wadaan, xifdinta qur’aanka iyo qowlka Eebbena muhiimad gaar ah siiyaan.

Kuwaasoo uu ku sifeeyey tusaale wanaagsan oo ka markhaati ah kartida iyo dedaalka Da’yarta Qur’aanka barata ee reer Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here