Madaxweyne Biixi oo Loogu Baaqay In Uu Fasaxo Shirkadaha Fly Dubai iyo Air Arabia

0
2434

Hargeisa (Hargeisa Press) – Qaar ka mid ah Shirkadaha ka shaqeeya dhinaca duulimaadyada ee ka howlgala magaalada Hargeysa ayaa waxa ay ka hadleen xayiraada ay Xukuumadda Somaliland saartay shirkadaha Fly Dubai iyo Air Arabia.

Mas’uuliyiintan shirkadaha duulimaadyada oo shir jaraa’id isugu yimid ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu fasaxo ama uu siidaayo labada Shirkadood ee Fly Dubai iyo Air Arabia.

Waxa ay sheegeen in xayiraada saaran labada shirkadood ay saamayn weyn oo Dhaqaale iyo mid shaqoba ay ku yeelatay shacabka iyo shirkadahooda.

Shirkadaha Fly Dubai iyo Air Arabia ayaa 2-dii bisha April ay Xukuumadda Somaliland ku amartay in ayna soo caga dhiga karin garoomada diyaaradaha Somaliland ilaa amar dambe.

Somaliland ayaa diyaaradaha shirkadahaas ku eedeysay in ay u hoggaansameen amarkii ay Soomaaliya ku joojisay duullimaadyadii caalamiga ahaa.

Labadaas shirkadood ee Fly Dubia iyo Air Arabia ayaa laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

LEAVE A REPLY