Madaxweyne Biixi oo Lagu Eedeeyay In Uu Yahay Federaal Doon Soomali-weyn Ah

0
1219

Hargeisa (Hargeisa Press) – Mujaahid Cabdi Ismaaciil Maxamuud oo ka mid ahaa dhalinyaradii ururkii UFO ee taliskii Siyaad Bare dilka ku xukumay ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal Madaxwayne Biixi ka jeediyay aaskii marxuum Cumar Carte oo uu sheegay in uu dafiray xaqiiqada taariikhda oo uu indhaha ka qarsaday markii uu ka hadlay guryihii Siyaad Bare dumiyay ee isku sakada ahaa oo uu ka booday ka mujaahid Maxamed Xasan Dalab.

Sidoo kale, Cabdi Ismaaciil ayaa sheegay in aanay jirin cid qabata Madaxweyne Biixi oo uu sheegay in uu hayo jidkii Siyaad Bare .

Waxaanu ku eedeeyay madaxweynaha in uu dad shacab ah hantidoodii xoog kaga qaatay isagoo xusay Marwadii Marxuum Madaxweyne Cigaal.

Dhanka kale, waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Madaxweyne Muuse Biixi maanta yidhaahdo guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa nasteex Somaliland ah ujooga Muqdisho, balse ayuu yidhi Muuse Biixi isagu yahay fadaraal doon Soomaali-wayn ah.

LEAVE A REPLY