Madaxweyne Biixi oo Ku Adkaystay Go’aankiisii Ahaa In Aanu Beddelin Xubnaha Guddida Doorashooyinka Ee Mucaaradku Ka Cabanayo

0
707

Hargeisa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku adkaystay go’aankiisii ahaa in aanu beddelin xubnaha guddida doorashooyinka ee mucaaradku ka cabanayo.

Ilo xogogaal ah ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi wefdigii Midowga Yurub ee dhex-dhexaadinta u yimi Hargeysa uu u sheegay in arrintu u taallo golaha Wakiillada Somaliland in ay diidaan ama yeelaan balse aanu isagu xilligan waxba ka beddelayn.

Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa iyagu dhawaan hakiyay labadii xubnood ee ay u gudbiyeen golaha Wakiilada kadib markii ay cabasho ka muujiyeen laba xubnood oo Madaxweyne Biixi u gubyay golaha Wakiilada kuwaas oo kala ah Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo lagu eedeeyay inuu xisbiga Kulmiye ka tirsan yahay iyo Kaltuun Sheekh Xasan oo ka mid ah komishanka xilku ka dhamaanayo kuwaas oo ka mid ah xubnaha Madaxweyne Biixi uu soo xulay .

Midawga Yurub ayaa bishii  todobaad ee sanadkan waxa uu isku soo jiiday xisbyada siyaasada Somaliland ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid kuwaas oo mudo dheer isku khilaafsanaa gudida doorashooyinka oo xisbiga Waddani  kalsoonida kala noqday, waxaana markaas la gaadhay heshiis shan qodob ah oo khilaafkaas lagu soo gunaanaday, waxaanay hada u muuqataa in mar labaad loo baahday in midawga Yurub uu isku soo jiido hogaamiyayaasha siyaasada Somaliland.

Labada xisbi Mucaarad oo hore u diiday qaar ka mid ah xubnaha Madaxweyne Biixi soo magacaabay ayaa la filayaa in ay go’aankooda dhawaan la wadaagaan shacabka.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here