Madaxweyne Biixi oo Hal Arin Ku Eedeeyay Dowladihii Kala Danbeeyay Ee Somalia

0
1927
Madaxweyne Biixi oo Shaaciyay Mudada Burburka Xisbiyada
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay xuska munaasibada madaxbannaanida Somaliland ee 18-ka May, ayaa sheegay in Somaliland aanay dowlada Soomaaliya wax garowshiyo ah ka helin 31 sanno kadib.

Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in dowladihii kala danbeeyay ee soo maray Soomaaliya burburkii dowladii dhexe kadib, aanay haba yaraatee wax garowshiyo ah ka bixin, qadiyada madaxbannaanida Somaliland.

“31 sanno oo aynu kala maqnayn walaalaheen kamaynaan helin wax garowshiyo ah, kamaynaan helin gar qaadasho, waxay inoo haystaan in aynu nahay dhamaanteen gobol kamid ah oo aan odhan karin xor ayaanu nahay, kii ugu horeeyay ee madaxweynenimo Carta loogu doortay ilaa kaa shalay la doortay talada way ka simanyihiin” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Madaxwenynaha Somaliland, ayaa hambalyeeyay islamarkaana u duceeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu u rajeeyay in uu garowshiyo ka bixiyo madaxbannaanida Somaliland, oo la noqdo laba dowladood oo walaalo ah.

“Madaxweynaha shalay doorashadoodu nabada ku dhacday iyo labada madaxweyne ee gacanta isku dhiibay, aad iyo aad ayaanu usoo dhawaynaynaa, in Alle idiin barakeeyo oo sidaa kuwadaan oo khilaafka idinka jabinaya waan idiinku ducaynaynaa, inaguna in aynu kala nabad galno oo aynu walaalo jira ahaano ayaanu idinka doonaynaa” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

“Walalayaalow wadnay oo wadnay oo walaalo wax dhaama garan waynay in aad nala garataan ayaanu jecelnahay oo aydaan isdiidsiin Somaliland” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha oo ka sheekeeyay sababaha keenay in Somaliland ka laabato midowgii, ayaa sheegay in 30 kii sannadood ee dowladii Soomaalidu jirtay, Somaliland loo gaystay cadaadis, gacan bidixayn, burburin iyo dulmi ku kalifay in ay goosato.

LEAVE A REPLY