Madaxweyne Biixi oo Digniin U Diray Qaramada Midoobey oo Uu Ku Eedeeyay In Muqdisho Wax Looga Yeedhiyo

0
2625

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu adag u diray hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwaas oo uu tilmaamay inay wadaan shirqoollo  qarsoon oo lagu dibin-daabyeynayo qarannimada Somalialnd.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale Wakiilka Xoghayaha Guud ee UN-ta uga digay inuu waxyeeleeyo ixtiraamka ka dhexeeya dawladnimada Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Biixi oo maanta hadal ka jeediyey Shirka 7-aad ee golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa, ayaa duray Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, kaas oo uu tilmaamay in madaxtooyada Villa Somalia wax looga yeedhiyo.

“Sannadahan dambe hay’ado aan siyaasadda gelin oo ay ka mid tahay Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa oo ay ka mid yihiin hay’ado badan oo isku magacaaba samo-fal oo cashuur bixiyayaasha dalalkooda lacag kaga urursada waxaanu gargaaraynaa dad baahan, sannadahan dambe waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimaysa Qarannimada Somaliland oo ah inay fuliyaan amarrada laga siiyo VILLA SOOMAALIYA (Madaxtooyada Soomaaliya) ee dawladdaas ay iyagu ilaaliyaan ee mushaharka ka bixiyaan bay soo gudbiyaan amarradeeda, taasina ma suuroobayso.” sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

“Wakiilka Qaramada Midoobay ee Xamar joogaa wuxuu u joogaa Soomaaliya, annaguna waannu ixtiraamaynaa Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, diyaarna waannu u nahay inaanu la shaqayno, dawlad kasta oo caalamka ahna walaaltinimo iyo wada-shaqayn baannu u haynaa, inta aanay kusoo xad-gudbayn sharaftayada iyo Qarannimadayada, waxaannu ka rabnaa inaanu wada dhaqanno annaga oo is ixtiraamayna.”ayuu intaasi ku daray hadalkiisa.

Sidoo kale, Waxa uu Madaxweynaha Somaliland digniin culus u diray Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo hay’adaha kale ee ku abtirsada.

“Ka yeelimayno Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa hay’adaheeda iyo kuwa kale ee samo-falka sheegta inay noo soo qaadaan qorshe iyo amarro laga soo bixiyey Xamar oo ay nagula dhaqmaan oo ay keenaan Somaliland, waana xaaraan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay khilaaf soo kala dhex-galay Qaramada Midoobay, taasi oo keentay inay Somaliland joojiso wada-shaqeyntii kala dhaxeysay hay’addaha Qaramada Midoobey.

Waxaa uu sheegay inaanay marnaba aqbaleyn waxkasta oo wiiqaya qaranimada Somaliland, isla markaana lagu hoos geynayo Soomaaliya.

Wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in Qaramada Midoobey ay siyaasadeyso kaalmaha bani-aadanimo iyo howlaha horumarineed ee ay fuliso, isla markaana ay dowladda federaalka oo uu sheegay inay col yihiin, la gasho heshiis wax u dhimaya madax-banaanida Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in sababta ay isku qabteen Qaramada Midoobey ay tahay inay dooneyso in qorshe howleedka ay ugu talo-gashay Soomaaliya ay ka fuliyaan gobollada Somaliland, oo ay yihiin labo dowladood oo kala madax-banaan.

Waxa uu markii u horeysay madaxweynuhu sheegay in arrinta keentay in wada-shaqeyntii Qaramada Midoobey joojiyan ay ka dhalatay khilaaf soo kala dhex-galay, kaasi oo la xidhiidha in Somaliland ula macaamilaan sida dowlad madax-banaan, isla markaana mashaariicdoodana kala xaajoodan Dowlada Somaliland.

Hadalka madaxweynaha Somaliland ayaa imanaya xili ay xukuumadda Somaliland shaacisay in ay hakisay wada shaqeyntii ay la lahayd Hay’adda Qaramada Midoobay oo mashruucyo kala duwan ka wada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here