Madaxweyne Biixi oo Dhammaystiray Isku-shaandhayn Uu Ku Samaynayo Xukuumaddiisa

0
5634

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu dhammaystiray isku-shaandhayn ballaadhan oo uu ku samaynayo xukuumaddiisa, Sida ay ilo xogogaal ahi noo xaqiijiyeen.

Ilo wareedyada, ayaa waxay intaas ku darayaan in isku-shaandhaynta uu Madaxweyne Biixi ku dhawaaqi doono ka dib marka la xalliyo loolanka socday ee Guddoomiyaha Baarlamaanka ee u dhexeeyey Kulmiye iyo Xisbiyada Mucaaradka ah.

In kasta oo Madaxweyne Biixi uu dhawr jeer isbedel ku sameeyey xukuumaddiisa, haddana qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada iyo kuwa kale ee madaxweynuhu magacaabay waxay xilal ka soo qabteen xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamuud Siilaanyo.

Sidoo kale, waxaa weli banaan xilal badan ay iska casileen masuuliyiin ka tirsanaa xukuumadda Madaxweyne Biixi, u tartamay kuraasta golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Jagooyinka banaan waxaa ka mid ah Wasaarada Arimaha Dibada oo banaanaa tan iyo horaantii bishii March markii Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) uu is casilay.

Faratoon oo ka mid noqday Xildhibaanadii ku soo baxay doorashada golaha Wakiillada ee ka tartamayay xisbiga Kulmiye, ayaa tan iyo markii uu guuleystay loolan xoogan uga jiray jagada Guddoomiyaha golaha Wakiillada.

Ilo wareedyada, ayaa waxay tibaaxayaan in Madaxweyne Biixi uu isku-shaandhayntan uu qarsoodi kaga dhiganayo dareenka bulshada ee ku aadan guuldaradii ka soo gaadhay Doorahadii dalka ka qabsoontay ee xisbiyada mucaaradku siyaasada kaga adkaadeen xisbiga talada haya ee Kulmiye, ee ay la wareegeen Maayir Cabdikariim Axmed Mooge iyo Xildhibaanka cusub ee Barlamaanka Barkhad Batuun.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaana laga yaabaa inuu raadiyo siyaasiyiin la mid ah kuwa saameyn ku leh.

Xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Madaxweyne Biixi, ayaa waxaa ay xaqiijiyeen isku shaandheynta la filayo.

Geesta kale, Xafiiska Madaxweynaha, ayaa beeniyay in wax isku shaandheyn ah oo dowladeed ay imaneyso waxayna ku gacansaydheen isku shaandheyntu inay tahay kutiri kuteen.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY