Madaxweyne Biixi Oo Cusbitaalka Ku Booqday Madaxweyne Ku Xigeenkii U Horeeyey Ee Somaliland+ SAWIRRO

0
493

Hargeysa,(HargeisaPress)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta booqasho ugu tegay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo xaalad caafimaad loo dhigay cusbitaal Gargaar ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo taliyaha ciidamada Booliska, ayaa wakhti kooban la qaatay Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo xaaladdiisa caafimaad haatan fiican tahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu u duceeyey mujaahidka, waxana uu ka xog waraystay xaaladdiisa caafimaad, isaga oo sidoo kale warbixin la xidhiidha suurto-galnimada waxyaabaha loo baahan yahay in loo qabto ka dhegaystay Dhakhtarka xaaladdiisa gacanta ku haya.

Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee wehelinayey, ayaa Eebbe uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo mujaahidka oo haatan ku jira xaalad kasoo rayn ah oo aad u wanaagsan.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu isla Cusbitaalka Gargaar ku booqday Gaashaanle dhexe Cali Maxamedow oo katirsan ciidanka qaranka, kana mid ahaa mujaahidiintii dalka usoo halgamay kaas oo xaalad caafimaad Cusbitaalka ugu jira.

DAAWO SAWIRRO

LEAVE A REPLY