Madaxweyne Biixi Oo Bulshadda Ku Hanbalyeeyay Munaasibadda Ciidul-Adxaa

0
591

Hargaysa (HP): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhanbaal hanbalyo ah u diray guud ahaanba shucuubta islaamka ah gaar ahaana bulshadda Somaliland munaasibadda Ciidul-Adxaa awgeed.

Sidaasina waxaa lagu sheegay dhanbaal hanbalyo ah oo uu maanta diray madaxweyne Muus Biixi.

Dhanbaalkaasi hanbalyada ahina waxa uu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka  Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1442-ka oo maalinta berri ah ku beegan, waxaanu u rajaynayaa in sannadkan sannadkiisa ay ku gaadhaan bash-bash barwaaqo, nabad iyo caano.

Waxaanu madaxweynuhu Illaahay ka rajaynayaa in uu ciiddan ciiddeeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suubban, bash-bash, barwaaqo, nabadgelyo iyo horumar, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu inta bukta ee u jiifta xanuunnada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo.

Ugu danbaynna, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee  ku dhaqan dunida dacalladeeda. Ciidal Adxa awgeedna shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu leeyahay ciid-mubaarik, ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr”.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY