Madaxweyne Biixi Oo Bulshadda Kala Qayb Galay Tukashadda Salaadda Ciidda

0
921

Hargaysa(HP):Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka ku dhaqan caasimadda Hargaysa kala qayb galay tukashada Salaadda Ciidul-fidriga.


Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, taliyayaasha kala duwan ee ciidamada.
Maamulka gobolka Maroodi-jeex, iyo kumanaan ka mid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa ee kula tukay Masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa.


Muuse Biixi, oo tukashadii salaadda kadib halkaas kala hadlay dadweynihii la tukaday ayaa ugu duceeyey bulshada reer Somaliland in ILLAAHAY SWT ka aqbalo, cibaadadii iyo wanaaggii ay soo sameeyeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan, Quluubtooda mideeyo, islaamnimadana u quweeyo.


Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay inay isku duub-naadaan, isku tashadaan, hoosna u eegaan kuwooda itaalka daran.
Kana maarmaan gacmo shisheeye, kana dheeraadaan wax kasta tafaraaruq ku keenaya midnimada bulshada oo ay qabyaaladdu kow ka tahay.

https://youtu.be/scbxZLkqjwU

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY