Madaxweyne Biixi oo Booqday Wasiir Maxamed Kaahin oo Cisbitaal La Dhigay

0
1680
Madaxweyne Biix iyo Wasiir Maxamed Kaahin
Madaxweyne Biix iyo Wasiir Maxamed Kaahin

Hargeisa (Hargeisa Press) — Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Shalay Xaalad Caafimaad loo dhigay Cisbitaalka Gargaar ee Magaalada Hargeysa.

Wasiir Maxamed Kaahin oo Xaalad Caafimaad la soo deristay, ayaa Dhakhaatiirtu kula taliyeen inuu nasto.

Waxaana la filayaa inuu Sabtida Maanta ka bax Cisbitaalka Gargaar ee la geeyay, sida loo sheegay Wargeyska Geeska Afrika.

Wasiirka ayaa waxa Shalay Cisbitaalka ku booqday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ah Xukuumadda, si ay xaaladdiisa Caafimaad ula socdaan.

Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa ku jira Xaalad degannaan ah, kadib xanuun la soo dersay

LEAVE A REPLY