Madaxweyne Biixi Muxuu Ka Yidhi Xadhiga Murrashaxiinta Mucaaradka?

0
1455

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horaysay waxaa uu ka hadlay xadhiga Murrashaxiinta xisbiyadda Mucaaridka.

Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in murrashaxiinta la xidhay aanay ku koobnayn uun xisbiyadda Mucaaridka oo ay jiraan saddex murrashax oo Xisbiga Kulmiye ka tirsan islamarkaana laba ka mid ah lagu xukumay min Hal sanno.

Madaxweynaha ayaana waxaa uu sheegay in musharax kasta oo lagu helo danbi la xidhayo mucaarid iyo muxaafid-ba.

Waxuu uu sidoo kale sheegay Madaxweynuhu in ay jiri karaan musharixiin danbiyo galay laakiin sharcigu aanu helin, waxanu sheegay in la qaban doono marka la ogaado danbiga ay sameeyeen.

Madaxweynaha Somaliland ayaa si gaar ah uga hadlay kiiska murrashax Qasim Aadan Saleebaan oo ka sharaxan Xisbiga Waddani, kaasi oo loo haysto dembi ah inuu gacan-saar la leeyahay Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa tilmaamay in xisbiyada mucaaradka ay xaq u leeyihiin in ay sheegaan wixii qaldan ee ay tabanayaan.

LEAVE A REPLY