Madaxweyne Biixi Ma Nacayb Shaqsi Ah Buu U Qabaa Farmaajo?

0
2895

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay in colaad Shaqsi ahi ka dhaxayso Madaxxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo in kale.

Sidoo kale, Madaxweynaha Biixi, ayaa ka hadlay Wadahadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo halkuu ku dambeeyay wadahadlkaasi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay wareysi gaar ah la yeelatay Idaacadda VOA, ayaa ka jawaabay su’aal laga waydiiyey sababta uu khudbad kasta oo uu jeediyo uu ugu soo daro hadallo uu eedaymo ugu jeedinayo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo ay horena Wada-hadallo u yeesheen.

Waxaanu madaxweyne Biixi sheegay in aanu jirin nacayb gaar ah oo uu u qabo Farmaajo, balse uu difaacayo qaranimada Somaliland oo uu sheegay in uu Farmaajo diidan yahay, islamarkaana ka dagaalamayo erayga ay markasta ku dhawaaqaan madaxda Soomaaliya jooga ee yidhaahda Somaliland anagay naga mid tahay iyagoo og wixii Somaliland ku dhacay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo la waydiiyey su’aal u dhignayd ‘Madaxw’eyne ma Nacayb shaqsi ah, ayaad u qabtaa Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya, mise wax kalaa jiraa”, ayaa ku jawaabay inaanu jirin wax nacayb shaqsi ah oo uu u qabo Madaxweynaha Soomaaliya isla-markaana xilligii Dawladdii Kacaanka uu yaqaanay farmaajo Aabbihii, balse hadda waxa keenay inuu khudbad kasta ku soo daraa ay tahay inuu difaacayo Qaraninimada Somaliland oo uu xusay inay diiddan tahay Dawladda uu Farmaajo hoggaamiyo.

Hoos ka daawo muuqaalka wareysiga

LEAVE A REPLY