Madaxweyne Biixi iyo weftigii uu hoggaaminayay oo gaadhay magaalada Burco

0
1161

Burco (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa maanta gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxana halkaas si ballaadhan ugu soo dhaweeyey dadweynaha halkaas ku dhaqan.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Burco oo isugu jira cuqaal, salaadiin, waayeel, aqoonyahan, haween iyo dhallinyaro, islamarkaana ay hormuud u yihiin madaxda xukuumadda ee gobolka iyo kuwa degmada, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa ku soo dhaweeyey magaalada Burco.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa lagu soo dhaweeyey Fardo iyo gaadiid tiro badan oo lagu sharraxay calanka qaranka Somaliland, isaga oo madaxweynuhu la lugeeyey bulshadii soo dhaweysay oo taxnayd waddada weyn ee magaalada ka soo gasha dhinaca Qoyta.

Maamulka gobolka iyo xubno ka mid ah golaha wasiirrada oo hadallo ka jeediyey goob fagaare ah oo lagala hadlay bulshadii madaxweynaha soo dhaweysay, ayaa soo dhaweynta maanta ku sifeeyey mid taariikhi ah oo muujinaysa taageerada uu madaxweynuhu ku leeyahay guud ahaanba gobolka Togdheer.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad miisaan leh halkaas ka jeediyey, ayaa u mahadnaqay bulshadii sida diirran usoo dhaweysay.

Waxana uu ku dheeraaday taariikhda ma guurtada ah ee Burco iyo dadkeeduba ku leeyihiin qarannimada iyo halganka dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here