Madaxweyne Biixi iyo Wasiir Maxamed Kaahin oo Dusha Laga Saaray Guul-darrada Xisbiga Kulmiye

0
2157

Hargeysa (Hargeisa Press) – Siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Cumar (Jawaan) oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland, ayaa naqdiyay natiijada soo baxday loolankii Xisbiyada Mucaaradka, Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisu ugu jireen hanashada shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Cabdilaahi Jawaan, ayaa sidoo kale soo bandhigay cida leh masuuliyadda guuldarradii Xisbiga Kulmiye ka soo gaadhay doorashadii shir-guddoonka Wakiillada.

Salaasadii toddobaadkan, ayaa Golaha Wakiillada cusub ee Somaliland oo fadhigoodii u horeeyey yeeshay, waxaana ay shir-guddoonka Golahaas u doorteen saddex xubnood oo ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka, iyadoo codad aan badnayn lagaga guulaystay murashaxiintii ka soo jeeday Xisbiga Kulmiye.

Cabdilaahi Jawaan, ayaa geesta kale waxaa uu ka hadlay guul-darradii Xisbiga Kulmiye ka soo gaadhay Doorashadii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee bishii May ee sannadkan ka qabsoontay dalka, kaddib markii aqlabiyadda mudaneyaasha la doortay ee Goleyaasha Deegaanka wakiillada ay yeesheen labada xisbi Mucaarad.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan, waxaa uu guul-darrada xisbiga Kulmiye ka soo gaadhay doorashooyinkaas dusha ka saaray Hoggaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye oo ay ugu horreeyaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ah guddoomiyaha Xisbiga, Guddoomiye ku xigeenka 1aad Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Axmed Cabdi Dheere.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here