Madaxweyne Biixi iyo Mustafe Cagjar oo Kulan Xaasaasi Ah Yeelanaya

0
4036

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu wadaa inuu safar ku tago Magaalada Wajaale ee Gobolka Gabiley, sida ay Shabakada Hargeisapress u xaqiijiyeen ilo-wareedyo xogogaal ahi.

Ma jiro War rasmiya oo Dowladdu arrintan ka soo saartay, balse Ilo-wareedyada, ayaa Hargeisapress u sheegay in Madaxweynaha oo ay Safarkiisa ku wehelin doonaan Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Saraakiisha Ciidammada kala duwan ee ammaanka, ay magaalada Wajaale shir ku yeelanayaan Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo isna safar ku imanaya halkaas.

Madaxweyneyaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Dowladda Degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar, ayaa ka wada-hadli doona Xidhiidhka labada dhinac ka dhexeeya iyo siday muhiim u tahay in midba midka kale ammaankiisa ka shaqeeyo, maaddaama oo ay wadaagaan xuduud dheer.

Kulankan, ayaa sida ay ilo-wareedyadu noo xaqiijiyeen si gaar ah u khuseeya Shir ay dhawaan Magaalada Jigjiga ku yeesheen Madax-dhaqameed iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, kuwaasi oo gebogabadii shirkaa ka soo saaray War ah inay dagaal la galaan Somaliland oo ay qaddiyadeeda ka soo horjeedaan, shirkaasi oo Dowladda iyo Shacabka Somaliland ka cadhoodeen.

Ilo-wareedyada, ayaa intaasi ku daray in Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida uu shirkaas cudur-daar kaga bixin doono warka lidka ku ah Somaliland ee ka soo baxay Shirka ka dhacay Jigjiga.

Hase yeeshee, Madaxweynaha Somaliland iyo Wefdigiisa, ayaa shirka Wajaale ka dib, waxay socdaal ku soo mari doonaan Degmooyinka ku teedsan xuduudka Galbeed ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here