Madaxweynayaasha Somaliland Iyo Soomaaliya Oo La Filayo Inay Kulmaan Iyo Sweden & Djibouti Oo Tartan Ugu Jira Inay Martigeliyaan Kulanka Biixi Iyo Farmaajo

0
980

Hargeysa,(HargeisaPress) —Dawladda Sweden iyo hay’adda The Centre for Humanitarian Dialogue’s (HD), ayaa wada dedaalo la isugu soo dhawaynayo wada hadal u furma madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Xoggo diblomaasiyadeed oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo ay labaduba mabda’a ahaan aqbaleen in dib loo furo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo hadda taagan, waxase aan weli la isla qaadan halka ay ka dhacayaan iyo wakhtiga ay qabsoomi karaan.

Wararka uu Geeska Afrika helay waxay sheegayaan in Madaxweyne Biixi doonayo in wada hadalku ka dhaco dalka Sweden, halka uu Madaxweyne Farmaajo doonayo in wada hadalku ka dhaco dalka Djibouti. Waxaana farsamo ahaan sidii labada madaxweyne aragtiyahooda la isugu soo dhawayn lahaa ka shaqaynaysa xarunta lagu magacaabo The Centre for Humanitarian Dialogue’s (HD) oo ah hay’ad caalami ah.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ahaa wasiirkii khaarajiga ee xukuumadii u horaysay ee Axmed-Siilaanyo oo hadda sarkaal sare ka ah xaruntan The Centre for Humanitarian Dialogue’s (HD), ayaa ku hawlan sidii uu u qabsoomi lahaa kulanka Madaxweyne Biixi iyo Farmaajo si dib loogu furo wada hadalada, waxaanu Dr. Maxamed sidoo kale ka shaqaynayaa in la isu soo dhaweeyo labada fikir ee kala ah in wada hadaladu Djibouti ka furmaan iyo inay Sweden ka furmaan.

Waxa kale oo uu Dr. Maxamed ka shaqaynayaa in la cayimo wakhtiga ay labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya kulmayaan.

Waxa iyaguna geesta kale socda dedaalo kale oo uu wado wadanka Turkigu, laakiin waxa dedaalada Turkiga aan taageero xoogan u hayn wadamo reer galbeed ah oo uu Maraykanku hormuud u yahay kuwaas oo door bidaya in labada madaxweyne isku arkaan Sweden amaba Ingiriiska.

 

LEAVE A REPLY