“Madaxweynaha Waanu U Kordhinaynaa oo Cidna Kala-tashanmayno Muddada Aanu U Kordhinayno”

0
1520

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan,  ayaa ka hadlay, xeerarkii shalay ay dib ugu celiyeen golaha Wakiillada ee ku jiray kartoonka, ee  xeerka guud ee doorashooyinka Xeer Lr 91/2022 iyo  xeerka nidaamka urrurada iyo axsaabta siyaasada ee Xeer Lr 14/2011.

Xeerarkan oo golaha Wakiilladu wax ka badal iyo kaabis ku sameyay 19/ September/ 2022, ayaa golaha Guurtida loo soo gudbiyay 20 September, kadibna sida Guurtidu sheegtay 46 xildhibaan oo ka soo horjeeda meel marinta wax ka badalka, ayaa dacwad u soo gudbiyay, sidaa darteedna Wakiillada ayay dib ugu celiyeen.

Guddoomiye Saleebaan, ayaa waxaa uu sheegay sababta ay xeerarkaasi u horkeeni waayeen golahooda ay tahay khilaafka golaha Wakillada kala qaybiyay aanu iyagana kala qaybin.

Waxaa kale oo uu guddoomiye Saleebaan sheegay in aanay marnaba qurux badnayn in Labada gole ay murmaan, islamarkaana xeerarkaasi ay celiyeen dib u daabacayaan.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sidoo kale shaaciyay in Madaxweyne Muuse Biixi ay u kordhinayaan muddo xileedkiisa, islamarkaana aanay golaha Wakiillada kala tashanayn muddada ay u kordhinayaan.

Xeerarkan oo golaha Wakiilladu waxka badal iyo kaabis ku sameeyay, ayaa la filayay in Guurtidu ay cod ku aqbasho ama ku diido, laakiin Guddoomiye Saleebaan, ayaa sheegay in xildhibaano ka badan kuwii xeerka meel mariyay ay dacwad u soo gudbiyeen sidaasna ay dib ugu celiyeen.

LEAVE A REPLY