Madaxweynaha Turkiga Oo Wacad Ku Maray Inuu Daacish La Dagaalamayo

0
1134

Erdogan1Ankara, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa markii u horaysay sheegay inuu la dagaalamayo Ururka Dawladda Islamiga ah.hadal uu jeediyay Arbacadii ayaa u muuqda inuu ku biirayo Isbahaysiga Maraykanku hogaaminayo ee ka hor jeeda Ururka Daacish.

“Waxaanu si wax ku ool ah ula dagaalami doonaa Daacish iyo dhamaan Ururada Argagixisada ah ee Gobolka, taasi waa Mudnaantayada” ayuu Mr Edagon ka sheegay furritaankii Fadhiga Baarlamaanka.

Inkasta oo aan wali Turkigu qayb ka ahayn Isbahaysiga Maraykanku hogaaminayo, hadana waxa uu Taangiyo u diray Xuduudaha ay kaga wajahan yihiin Dagaal yahanada Daacish ee Suuriya iyo Ciraaq.

“Turkigu ma laha U jeedo ah inuu dal kale galo ama uu faro galiyo Arimaha gudaha ee dal kale amaba uu qabsado wadan kale dhulkiisa laakiin nabad galyada Iyo xasiloonida gobolku waxay la macno tahay  Turkigu oo Xasiloonaada” ayuu sheegay Madaxweynaha Turkiga.

Mr Erdogan oo ah Xisbiga AK ee leh aqlabiyada Baarlamaanka ayaa wada Mooshin lagu awoodsiinayo inuu door ka qaato la dagaalanka Ururka Daacish.wali ma cadda kaalinta uu Turkigu ka qaadan doono Dagaalka dunida kaga hor jeedo Ururka Dawladda Islaamiga ah ku dhawaaqay ee Ciraaq iyo Suuriya.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here