Madaxweynaha Turkiga Oo Ka Qeyb Galay Arooska Ciyaaryahanka Mesut Ozil + SAWIRRO

0
1049

ISTANBUL —Madaxweynaha dalka Turkiga, Racep Tayyip Erdogan iyo marwadiisa ayaa ka qeyb galay xaflada arooska ciyaaryahanka caanka ah ee Mesut Ozil oo ka dhacay magaalada Istanbuul ee Turkiga.

Xaflada arooska oo si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay hoteel kuwa raaxada ah, waxaana munaasabada arooska kasoo qeyb galay dad badan oo magac leh oo isugu jiray madax, ciyaartoy , fanaaniin , ganacsato iyo dad kale oo badan.

Mesut Ozil oo ah ciyaaryahan Muslim ah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga balse heesta dhalashada dalka Jamralka ayaa guursaday Amine Gulse oo mar kusoo guuleesaatay gabadha ugu quruxda badan dalka Turkiga.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa si weyn uga dhax muuqday xaflada arooska Ozil, waxaana la sheegaa Erdogan in uu saaxiib dhaw la yahay Ciyaaryahanka oo kal hore kulan uu la qaatay kala kulmay Ozil dhaleeceyn badan.

Ciyaaryahanka Mesut Ozil oo 30-sano jir ah ayaa hada u ciyaara kooxda kubada cagta ee Arsenal, waxa uuna Ozil horey uga fadhiistay ciyaaraha heerka caalami kadib markii uu taageero ka waayay Xulka Qaranka Jarmalka uu katirsanaa.

SAWIRADDA

 

LEAVE A REPLY