Madaxweynaha Taiwan oo Somaliland Ku Bogaadisay Xuska Maalinta Qaran Ee 18 May

0
2995
Madaxweynaha Taiwan, Tsia Ing-wen
Madaxweynaha Taiwan, Tsia Ing-wen

Taipei (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Taiwan Mrs. Tsia Ing-wen, ayaa ka hadashay xuska 30 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland ee 18 May.

Madaxweynaha Taiwan, ayaa sidoo kale shacabka Somaliland u soo dirtay hambalyo balaadhan oo la xidhiidha soddon sanno guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada Madax-bannaanida Somaliland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Taiwan, ayaa balan-qaaday inay sii wadayaan wada shaqaynta iyo iskaashiga ay Somaliland la leeyihiin.

Madaxweynaha Taiwan waxay sidaas ku sheegtay dhambaal ay soo gaadhsiisay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ay ku bogaadisay 30 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland.

Dhambaalka Madaxweynaha Taiwan ayaa u qornaa sidan:

“Anigoo ku hadlaya magaca Dawladda iyo shacbiga Taiwan, farxad weyn ayay ii tahay  inaan idin soo gaadhsiiyo hambalyo diirran oo la xidhiidha soddon sanno guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada Madax-bannaanida Somaliland. Waxaan idinku ammaanayaa inaad qaadeen tallaabo aad dadkiina kaga ilaalinaysaan xannuunka COVID19 muddada lagu gudo jiro xuska.

Waxaan kalsooni ku qabaa madaxweyne hoggaamintaada inay Somaliland barwaaqo ku gaadhi doonto sannadaha soo socda.”

Madaxweynaha Taiwan Mrs. Tsia Ing-wen waxay dhambaalkeeda ku sheegtay in dalkeedu sii wadayo inay kala shaqeeyaan Somaliland sidii loo sii horumarin lahaa Nabadgelyada, Horumarka iyo Xasiloonida Geeska Afrika ee ku sallaysan qiyamka ay labada dal wadaagaan ee ku wajahan Xoriyadda iyo Dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha Taiwan waxay Madaxweynaha Somaliland u rajeysay caafimaad, barwaaqo iyo horusocod ay gaadho Jamhuuriaydda Somaliland.

LEAVE A REPLY