Madaxweynaha Taiwan oo Sharraxday Ujeeddooyinka Iskaashiga ay la Leeyihiin Somaliland

0
837

Hargeysa,(SOLNA)Madaxweynaha dalka Taiwan, Mrs. Tsai Ing-wen, ayaa sheegtay in xidhiidhka ay la yeesheen Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid ay ku wadaagaan dhinacyada qiyamka dimuqraadiyadda, Xornimada, Caddaaladda iyo isku-xukunka sharciga.

sida anu ka soo xiganay Boga Twitterka ee Madaxweynaha Taiwan, farriin muuqaal ah oo hore loo sii duubay oo maanta lagu soo bandhigay xafladdii ay dawladda Taiwan ku furanaysay Safaaradeeda Somaliland, waxana ay ku sheegtay inay ka go’an tahay dalkeeda inay Somaliland kala shaqeyso Arrimaha Beeraha, Kallumaysiga, Macdanta, Caafimaadka, Tamarta, Waxbarashada iyo Wararka iyo wada-xidhiidhka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan waxa ay caddeysay inay dawladda Somaliland la saxeexdeen heshiis farsamo oo labada dal iskaga kaashanayaan mashaariic kala duwan. Waxaanay intaas ku dartay in guddiyo farsamo u dirayaan Somaliland.

LEAVE A REPLY