Madaxweynaha Sudan oo kala diray golayaasha xukuumadda xaalad deg deg ahna ku dhawaaqay

0
721
Madaxweynaha dalka Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir

Khartoum — Madaxweynaha dalka Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa goor dhow ku dhawaaqay  in Suudaan galayso hal sanno oo xaalad degdega ah, isagoo sidoo kale sheegay inuu kala diray xukuumaddii heer qaran iyo xukuumadihii gobollada.

Al-Bashiir , oo waxyar ka hor kusoo gabagabeeyay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Khartuum khudbad muhiim ahayd, ayaa sheegay in uu soo dhisayo xukuumad tayo leh, isagoo ku baaqay wada-hadal iyo xoogagga mucaaradku inaysan dalka burbur u horseedin.
Waxa uu u tacsiyeeyay dadkii ku wax yeelloobay rabshadihii dalka ka dhacay. Waxa uu dadkiisa ku boorriyay in ay ku waano qaataan waxa ka dhacay dalal Suudaan daris la ah, kuwaas oo fowdo ku dambeeyay markii ay dowladihii iska rideen.
Madaxweynaha Suudaan,Cumar  Al-Bashiir oo khudbadda uu caawa jeediyay inta badan diiradda ku saaray sida ay muhim u tahay nabadda iyo jiritaanka Suudaan ayaa ugu baaqay Baarlamaanka inuu dib u dhigo is beddelka dastuurka, kaasoo u ogolaan lahaa inuu mar kale u tartamo doorashada Madaxtinimada ee sannadka 2020ka.
Al-Bashiir, ayaa bilihii u dambeeyay cadaadisyo badan kala kulmayay shacabka reer Suudaan, waxa ayna codsanayeen inuu xukunka banneeyo maaaddama uu 30 sanno dalka maamullayo.
HargeisaPress- News Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here