Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Iskaashiga Geeska Afrika

0
903

Nairobi , (HargeisaPress) —Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay dad Soomaali ah kula hadlay magaalada Nairobi ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya, gaar ahaan dhacdooyinkii billihii ugu dambeeyay .

Is dhexgalka Geeska Afrika

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu waayay hal qof oo sabab macquul ah sheega, oo ay tahay in looga baaqsado heshiisyada dalalka Geeska Afrika “Qofka ugu sokeeya wuxuu ku dhahayaa, xilligan ma ahayn in heshiiskan la galo”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in markii hore Soomaaliya loosoo diri jiray basaasiin, balse hadda uu albaabkaas soo xidhey “Waxa ugu weyn ee aan heshiiskan ka rabo ayaa ah in dadka Soomaaliyeed oo ganacsiga ku fiican ay badeecooyinkooda u iibgeeyaan dalalka dariska ah” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo oo uu sacab badan u dhacay.

Ma uusan kala caddeyn dadka uu ula jeedo basaasiinta, in ay Soomaali yihiin iyo in kale, waxaase muddo badan sir shaac ahayd in dalal badan ay farogalin ku hayeen Soomaaliya.

Hadalkan ayaa madaxweynaha kasoo baxay xilli dhawaanahan ay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar ay daacayeen sawirradda iyo magacyada dad la sheegay in ay jawaasiis u ahaayeen dal daris la ah Soomaaliya.

Eritrea

Dhanka kale madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay in dowladda Eritrea, gaar ahaan madaxweyne Isias Afewerke uu abaal weyn u hayo Soomaalida, doonayana in uu garab istaago”Wuxuu qabaa madaxweynaha in haddii aysan Soomaali ahaan lahayn ay xoriyadooda kala dhantaalmi lahayn, wuxuuna dadka u sheegaa in inta Soomaaliya dhibaataysantahay aysan xoriyadda Eritrea dhamaystirnayn”.

Dowladda Eritrea ayaa qeyb ka ah heshiiska iskaashiga dalalka Geeska Afrika.

Mar uu ka hadlay Ra’isal waasaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayuu yidhi “Aby wuxuu igu yidhi, lacagtii aan haysanay oo dhan hub ayaan ku iibsanay, hadda wixii ka dambeeya halkii aan taaangiyo iibsan lahayn, cagaf cagafyo ayaan iibsanaynaa” ayuu yidhi.

BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here